Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Gobolka Bakool

Published: July 24, 2022

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa gaaray Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Wafdigan ayaa degmadaasi u tegay, si ay ugu guurgelaan xaaladda deegaanadii ay Arbacadii weerareen maleeshiyada Al Shabaab, loona xoojin lahaa amniga xuduudda uu gobolkaasi la wadaago Gobolka Afdheer ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Xildhibaan Axmed Sheekh Maxamed (Mashruuc) oo ka mid ah wafdigaasi ayaa sheegay in weerarkan uu ku soo aaday, xilli dad fara-badan oo abaaraha ay soo barakaciyeen ay ku sugan yihiin xuduudda, kuwaa oo naawilayay in gargaar bani’aadanimo la soo gaarsiiyo.

Xildhibaan Mashruuc ayaa tilmaamay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Liyuu Boolis ay maleeshiyada Shabaabka dib uga saareen Yeed, Caato iyo Washaaqo.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa amray hay’adaha kala duwan ee amniga iyo gargaarka inay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladda ka taagan gobolkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *