Wararkii ugu dambeeyay Shirka Afisyooni

Published: April 3, 2021

Waxaa saaka lagu wadaa in uu Teendhada Afisyooni ka furmo shirka u dhaxeeya Madaxda dowladd Federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka ah kaasoo heshiis looga gaarayo Ajandaha shirka rasmiga ee arimaha doorashooyinka ee soo socda.

Sawir hore

Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen Wakiilada Beesha Caalamka ayaa noqonaya iskudaygii ugu dambeeyay ee ay isku soo hor-fariisanayaan madaxda Soomaalida tan iyo shirkii Dhuusomareeb oo ahaa kii ugu dambeeyay ee ay ku kulmaan.

Ajandaha ugu weyn ee shirka saaka furmaya ayaa noqonaya ka doodista qodobo ay kamid yihiin heshiiskii gudiyada Farsamo ee Baydhabo iyo Awoodaha iyo sharciyada Madaxweyne Farmaajo kuwaasoo ah qodobada ugu adag ee ay miiska soo saarayaan madaxda Puntland iyo Jubaland.

Sawir madaxda D/goboleedyada

Gudiyo Farsamo oo ka kala socda dhinacyadan ayaa xalay kulan ku yeeshay Xerada Afisyooni kulankaas oo ay uga arinsadeen habka loo sugayo Amaanka shirka maanta Furmaya.

Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa sida qorshuhu yahay sugaya amaanka Teendhada uu shirku ka furmayo ee Afisyooni taasoo qeyb ka ahayd Qodobadii xalay ay gudiyada shiray ku heshiiyeen.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayaa lagu wadaa in ay shirkooda iskula meel dhigaan Abuuridda kalsooni iyo jawi saamaxaya amba qaadidda shirarka lagu soo afjarayo khilaafka arimaha doorashooyinka ,Wakiilada Beesha Caalamka ayaa siweyn u dhowraya waxa kasoo baxa shirkan oo ay iyagu casuumadda leeyihiin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *