Wariyeyaal ku dhaawacmay weerar ay Israa’iil ku qaaday xero qaxooti oo ku taalla Qaza

Published: April 12, 2024
Shares4

Dhowr wariye ayaa ku dhaawacmay weerar ay Israa’iil ku qaadday xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha marinka Qaza Jimcihii.

Wariye ka tirsan idaacada Turkiga ee TRT Arabic ayaa dhaawac fudud kasoo gaaray weerarka Israel, sida ay sheegeen ilo wareedyo ku sugan Isbitaalka Shuhadada ee Al-Aqsa.

Waxa ay sheegeen in Muxammad Al-Sawalhi oo ah wariye kale uu isna dhaawacmay ka dib markii firir uu gacanta midig kaga dhacay madaafiic kale oo Israa’iil ay ku garaacday isla goobtaas.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamada Israa’iil ay beegsadaan saxafiyiin ku sugan Gaza, intii uu socday dagaalka.

Ugu yaraan 140 saxafi ayaa lagu dilay weerarada Israel tan iyo 7-dii October, sida lagu sheegay xogta xafiiska warbaahinta ee maamulka Gaza.

Tan iyo subaxnimadii Khamiista, xerada Nuseirat waxaa ku socday madaafiic xooggan iyo duqeymo dhanka cirka ah oo ay israa’iiliyiintu adeegsanayeen, taasoo kusoo beegmeysa xilli ciidamada Israa’iil ay ku dhawaaqeen howlgal millatari oo ay ka fulinayaan deegaannada waqooyiga ka xiga xerada oo ku taalla bartamaha marinka Qaza.

Ugu yaraan 89 Falastiiniyiin ah ayaa la dilay 120 kalena waa la dhaawacay 24-kii saac ee la soo dhaafay iyadoo Israa’iil ay sii waddo duqeymaha ay ku heyso Gaza, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee dhulkaasi maanta oo Jimce ah.

Lixdii bilood ee uu socday dagaalka ayaa waxaa Gaza lagu dilay ugu yaraan 33,634 falastiiniyiin ah, oo u badan haween iyo carruur, halka dhaawaca uu marayo in ka badan 76,214.

Horseed Media