Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisay xaaladda Cudurka Safmarka ah ee Covid 19…
Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisay xaaladda Cudurka Safmarka ah ee Covid 19 ee dalka.
Warbixinta maalinlaha ah ee xogta COVID-19 ee wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka ayaa waxa ay ku sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay cudurka COVID-19 laga baaray 1176 ruux.
Sidoo kale warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaradda Caafimaadka ee xogta COVID-19 ayaa lagu sheegay in la diiwaan geliyey 160 bukaan cusub oo la nool cudurka COVID-19 , taas oo ka dhigan in weli ay jirto khatarta uu dalkeena ku haayo cudurka safmarka ah ee COVID-19.
Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in 24 saac ee la soo dhaafay ay 11 qof ay u dhimatay cudurka COVID-19 halka ay ka bogsadeen 65 qof.
Cudurka COVID-19 ayaa u muuqdo mid sii faafaya ayadoo ay jirto in bulshada Soomaaliyeed intooda badan aysan muujineyn taxadarka ka hortaga cudurka COVID-19 , wasaaradda caafimaadka ayaa wado dadaalo lagu wacyi gelinayo bulshada Soomaaliyeed.
Horseed Media