Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo shaacisay khasaaraha weerarkii Hoteel Xayaat

Published: August 21, 2022
Shares28

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji, ayaa shaaciyay tirade dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkii Alshabaab ay ka fulisay Hotelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo tagay Isbitaalada la geeyay dadka waxyeelada ka soo gaartay weerarkaas, ayaa sheegay in inta la xaqiijiyay 21-ruux ay ku geeriyootay weerarka halka 117-kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale Wasiirka wuxuu sheegay in 15 kamid ah 117 qof uu dhaawacooda culus yahay, isla markaana Wasaaradda Caafimaadaka ay iska xil saari doonto wax u qabashada dadka dhaawacyada qaba.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in Muddadii uu socday weerarka lagu guulaystay badbaadinta dad ka badan 106 ruux oo ay ka mid yihiin Carruur iyo Haween.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *