Wasiirka Maaliya Cabdiraxmaan Bayle “Khasanaduhu nooma buuxaan”

Published: June 20, 2022

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka hadlay warar la hadal hayay oo ah in qasnaha Dowladda ay buuxaan oo looga tagay lacago badan.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in uusan marnaba dhihin in qasnaha Dowladda ay buuxaan, mas’uuliyad darro ayuu ku sheegay in ay sameysay ciddii dhahda hadalkaas sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Maaliyadda XFS.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Dakhliga gudaha uusan ku filneyn Soomaaliya, dabayqaadka bil weliba gaar ahaan 25keeda in la bixiyo mushaharka Shaqaalaha Dowladda sida Ciidamada in la siiyo lacagaha ay xaqqa u leeyihiin.

Sidoo kale waxa uu ka digay in la siyaasadeeyo Miisaaniyadda Dowladda, ka wasiir ahaan waxa uu sheegay in bilba bisha ka dambeysay ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa hannan lagu kabayo kharashka ay u baahan tahay Dowladda.

Dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa horyaalla wax ka qabashada dib u habeynta nidaamka Maaliyadda Dalka oo muddadii uu Villa Somalia joogay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aanay la sameyn xisaab xir.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *