Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka wadamada G20

Published: August 20, 2023

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Xildh. Dr. Mohamed Hassan Mohamed Bulaale oo ka qaybglay shirka wadamada G20 ayaa la kulmay Wasiiradda caafimaadka Dalalka India, Singapore, Brazil, Maraykanka, Germany, South Africa, Russia, Laos iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Uqaabilsan Qaramadda Midoobe Arrimaha Caafimaadka ee WHO.

Wasiir ku xigeenka oo qudbad kooban ka jeediyay madasha ayaa sheegay in wadamadda afrika oo ay Soomaaliyana kamid tahay ay hadda maalgelin iyo iskaashi farsamo la samaynayaan adduunyadda si horumar looga sameeyo kaabayaasha horumarinta adeegga caafimaadka dalka.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa qayb wayn ka aheed dhawr Wasaaraddo Caafimaadka oo lagu casuumay shirkaan wayn oo ay ka soo qayb galaan wadamada ku midoo bay Ururka G20, Qorshayaasha sida xoogan looga dooday waxaa ka mid ah sidii loo dhimi lahaa qiimaha Daawada ee taalo suuqa Caalamka gaar ahaan dalka turkiga oo inta badan laga soo iibiyo daawadda la keeno Africa