Wasiir Xasan Macalin Oo Dhacdadii Sabtida Ka Raaligeliyey Xildhibanaada Golaha Shacabka

Published: August 7, 2023

Xildhibaannada Golaha shacabka oo maanta markale kulan ku lahaa xaruntooda villa Hargeysa ayaa waxaa hortagay wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Soomaaliya Xasan Macalin oo su’aalo laga weydiiyey hindisaha kaalmo sharciyeedka Federaalka oo akhrinta 1-aad ay marsiiyeen.

Wasiir Xasan Macalin ayaa maanta golaha shacabka ka raaligeliyey dib u dhaca kulankii Sabtida, isagoona sheegay in uu ku mashquulay shir looga hadlayey amniga Qaranka iyo daahfurka wajiga labaad ee la-dagaalanka khawaarijta.

Kulanka golaha shacabka ayaa waxaa shir guddoominyey guddoomiyaha golaha sh. Aadan Madoobe iyo labadiisa ku xigeen, wasiirka Cadaaladda ayaana golaha kahor aqriyay hindise sharciyeedka kaalmo Sharciyeedka Federaalka, isagoo ka jawaabay weydiimaha xildhibaanada BFS.

Horseed Media