Wasiirada cusub ee XFS oo xilkooda loo dhaariyey

Published: April 14, 2024

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay maanta yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa dhaarinta wasiiradda dhawaan uu soo magacaabay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa waxaa dhaariyay garsoore Saalax Sheekh Ibrahim oo ka tirsan maxkamadda sare ee dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la dardaarmay wasiiradda cusub ayaa xusay in xilkooda u gutaan si mas’uuliyad ku jirto uguna adeegaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirada la dhaariyey oo dhamaantood ah Xildhibaano ayaa kala ahaa wasiirka tamarta iyo biyaha, wasiirka amniga, wasiirka arrimaha gudaha, wasiiru dowlaha bii’adda iyo isbeddelka cimilada.

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ayaan ka mid ahayn wasiirada la dhaariyey maadaama uu horey u ahaa wasiir. wasiirada cusub ayaa lagu wadaa in ay todobaadkan xilkooda la wareegaan.

Horseed Media