Wasiirada dalalka Carabta & Islaamka oo Shiinaha ku sugan

Published: November 20, 2023

Wafdi ka kooban Wasiirada Arrimaha dibada ee dalalka Carabta & Islaamka ayaa wadda dadaal lagu doonayo xabad-joojinta dagaalka Gaza.

Wafdigan oo gaaray dalka Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqay markale baaqooda xabad joojinta dagaalka Gaza.

Wasiiradan ayaa booqan doona dalalka xubnaha joogtada ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midobay si cadaadis loo saaro Israel.

Wafdigan ayaa ka kooban Wasiirada arrimaha dibada ee dalalka Saudi Arabia, Jordan, Egypt, Indonesia, Palestine iyo ururka dalalka Islaamka OIC.

Horseed Media