Wasiirada NATO ayaa ka doodaya lacag dhan 100 bilyan oo Yuuro oo Ukraine loogu deeqo

Published: April 3, 2024
Shares22

Madaxa Isbahaysiga NATO Jens Stoltenberg ayaa soo jeediyay taageero militari oo loogu talagalay Ukraine oo ku kacaysa €100 bilyan ($ 108) shanta sano ee soo socota, sida laga soo xigtay diblomaasiyiin kala duwan.

Soo jeedintan ayaa la filayaa in laga doodo inta lagu guda jiro shir laba maalmood ah oo wasiirrada arrimaha dibadda ee NATO ku yeelanayaan Brussels Arbacada iyo Khamiista.

Xoghayaha NATO Mr.Stoltenberg ayaa shir gudoomin doona wadahadalada ka dhacaya xarunta NATO.

Riixitaanka gargaarka dheeraadka ah ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo in taageerada dadaallada difaaca ee Ukraine ee ka dhanka ah duullaanka Ruushka uu hakad ku jiro iyo digniinaha ka soo baxay Kyiv ee sheegaya in kaydadka rasaastu uu sii yaraanayo.

Xirmo lacageed oo dhan 60-bilyan oo doolar oo Mareykanku siin lahaa Ukriane ayaa waxaa xannibay xubnaha Jamhuuriga ee Congress-ka Maraykanka laakiin waxaa jira rajo ah in sharci-dajiyayaashu meel mariyaan toddobaadyada soo socda.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa dublamaasiyiin kala duwan NATO waxay raadinaysaa in ay la wareegto qayb ka mid ah shaqada isku dubaridka kooxda xiriirka difaaca Ukraine ee uu hogaamiyo Maraykanku (UDCG), oo sidoo kale loo yaqaano kooxda Ramstein.

Ilaa hadda, Maraykanku wuxuu qaaday mas’uuliyadda aasaasiga ah ee isku dubaridka hubka lagu geeyo Ukraine, iyada oo loo marayo UDCG.

Wasiirada ayaa sidoo kale la filayaa inay ka doodaan tartanka loogu jiro cidda bedelaysa Stoltenberg oo ah xoghayhaa NATO horeyna u ahaan jirey raysalwasaaraha Norway. Waxaa jira warar sheegaya in shirkan lagu dooran doono ninka bedeli doona xoghayaha hadda oo wakhtigiisi dhamaad yahay, iyadoo ra’iisul wasaaraha Holland Mark Rutte la sheegay in 90% xubnaha NATO ay taageersan yihiin.

Isbahaysiga difaaca NATO ayaa la aasaasay sanadkii 1949-kii kadib dagaalkii labaad ee aduunka, waxaana lagu asaasay 12 xubnood oo kaliya, maantana waxa uu ka kooban yahay 32 xubnood.

Hanad Askar
HORSEEDMEDIA