Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo gaaray degmada Caabudwaaq

Published: May 21, 2024

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Wasiirka oo maalmahan socdaal shaqo ku joogay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa si diirran u soo dhoweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Caabudwaaq.

Gen; Fartaag oo soo dhaweynta kadib la hadlay bulshada Caabudwaaq ayaa uga mahadceliyey soo dhaweynta wuxuuna sheegay in socdaalkiisu uu la xiriira adkaynta nabadda iyo sidii ay bulshada degmada ku dhaqan u kala warqaadan lahaayeen.