Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la qaatay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

Published: October 7, 2023

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Axmed Shiikh Cali (Doodishe) iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa la kulmay Safiirka Safaarada Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya.

Safiirka Qatar ee Muqdisho Dr. Cabdulahi Saalim Al-naciimi, ayaa waftiga ku soo dhaweeyay Safaradda, waxaa laga wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa xariirka labada Boolis ee Qatar iyo Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ayaa ku ballamay in la iska gacansiiyo la dagaalanka dembiyada abaabulan iyo Argagixisada.

Madaxda ayaa isla gartay inay iska caawiyaan sifaynta Khawaarijta ee ummadda Soomaaliyeed ku howlan yihiin.