Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la yeeshay saraakiil ka socotay Booliska dalka Masar

Published: April 28, 2024

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulan la qaatay saraakiil ka socotay Booliska dalka Masar, kuwaas oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Dowladda Masaarida taageerada ay la garab taagan yihiin Ciidanka Amniga Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta iyo tababarka ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa Wasiirka ku wehelinayey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/G Sulub Axmed Firin, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.