Wasiirka Amniga XFS oo maanta hortagay guddiga Amniga iyo Difaaca ee Aqalka sare

Published: July 30, 2023

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ayaa maanta xafiiska ugu yeeray Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed (Doodishe) iyo wasiiru dowlada wasaaradda Maxamed Cali Xagaa.

Guddiga Amniga iyo Difaaca  Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadka ka saran kor joogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa kulanka ay maanta la qaateen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Amniga, waxaa la isku dhaafsaday su’aalo iyo warbixinno ku saabsan howlaha shaqo ee Wasaaradda, taas  oo uu wasiirku si faahfaahsan xubnaha Guddiga warbixin uga siiyay ugana jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca  Aqalka Sare Senator Adam Abdinasir oo kulanka Shir gudoominayay ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Amniga uga mahad celiyay sida togan oo ay warbixinta uga siiyeen howlaha Wasaaradda, iyadoo la isku afgartay in si dhow loo wada shaqeeyo, si loo dardar geliyo shaqada Qaranka