Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo la kulmay Boqorka Sacuudigga.

Published: January 7, 2020

Amb Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arimaha Dibadda Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Riyaad Caasimada Dalka Saudi Arabi ayaa la kulmay Boqor Salmaan, Wasiir Cawad ayaa sallaan uu ka siday Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre gaarsiiyay Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan, isagoo sheegay in Sacuudiga uu yahay saaxib dhow oo xulufo la ah ah Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa ka qeyb galaya Shir u dhaxeeya Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka kulaala Gacanka Cadan iyo Badda Cas, kaasoo bilow u ah aas-aaska Isbaheysi ay u dhan yihiin illaa 8 dowladood oo Afrikaan iyo Carab ah oo ku yaalla Gacanka Cadan iyo Badda Cas.

Kulanka u dhaxeeya Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka dhaca Badda Cas ayaa looga haldayaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dalalkaas, isla markaana si wadajir ah looga hadlo danaha istiraatiijiyadeed ee ka dhaxeeya dalalkaas.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *