Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabiley wefdi ka socdey Qaramada Midoobey

Published: August 18, 2022
Abshir Cumar Huruuse
Abshir Cumar Huruuse Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Anita Kiki Gbeho sarkaalad ka gtirsan Qaramada Midoobey

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Huruuse, ayaa soo dhaweeyey maanta oo Khamiis ahayd Kuxigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ahna Sarkaalka mas’uulka ka ah Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM), Marwo Anita Kiki Gbeho, waxa uu kala hadlay barnaamijyada Qaramada Midoobey ee horumarinta , dowlad dhiska iyo dadaallada bani’aadannimada.

Intii kulanka lagu guda-jiray ayaa waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin fududeynta gurmadka aadannimo ee la gaarsiinayo dadka tabaalaysan, sidoo kale waxaa la isla fallanqeeyay horumarka xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa amni, sida lagu sheegay xog ka soo baxdey Wasaaradda Arrimaha dibadda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad ugu dadaalayso sidii gargaarka ay u gaarsiin lahayd dadka u baahan ee ku nool deegaannada ay abaaruhu saameeyeen, isagoo ku baaqay in la dardargeliyo kaalmooyinka bani’aadannimo ee caalamiga ah iyo barnaamijyada horumarinta ee lagu taageerayo ujeeddooyinka mudnaanta koowaad u leh dowladda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *