Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergei Lavrov oo gaaray Magaalada Addis Ababa

Published: July 27, 2022
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergei Lavrov

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergei Lavrov oo booqasho ku maraya dalalka Afrika qaarkood ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wasiirka ayaa Itoobiya ku maraya lugta ugu dambeysa, socdaalka uu ku kala bixinayo afar dal oo African ah, iyadoo uu toddobaadkan booqday dalalka Masar, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo, Uganda iyo Itoobiya oo hadda uu jooggo.

Sergei Lavrov ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Bole ee Magaalada Addis Ababa ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalkaasi, Demeke Mekonnen.

Moscow ayaa dooneysa inay xoojiso xiriirka kala dhaxeeya dalalkaasi, maadaama ay xurguf adagi kala dhaxeyso Reer Galbeedka, ka dib duulaankii Ukraine.

Reer Galbeedka ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu ka masuul yahay xasaradaha maanta ka jira caalamka, oo ay ugu horreyso sahayda cunna yarida ee dunida soo food saartay.

Lavrov ayaa la filayaa in uu maanta Caasimadda Addis Ababa kula kulmo Madaxda Dowladda Itoobiya iyo kan Ururka Midowga Afrika. Addis Ababa waa Xarunta Ururka Midowga Afrika.

Socdaalkiisan ayaa waxaa lagu macneeyay mid horudhac u ah shirka Ruushka iyo Afrika, ee daba-yaaqada sanadkan ka dhacaya Magaalada Addis ababa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *