Wasiir Axmed Fiqi oo si qabyaaladeysan uga hadley shirkii Garoowe

Published: March 24, 2024
Shares38

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa si la yaableh uga falceliyey booqashadii dhawaan ay ku tageen Madaxweynayaashii hore ee dalka magaalada Garoowe.

Axmed Macalin Fiqi ayaa si qaawan oo qabyaaladeysan uga hadley booqashada isaga oo si gaar ah ugu dhaliiley Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed in uu Garoowe tago.

Waxaa jirta xan marka la joogo Muqdisho si hoose la isugu sheego taas oo ah in dastuurka kumeelgaarka ah uu yahay mid Puntland ay samaysatey xilligii Sheekh Shariif isla markaana ula baxdey Garowe 1, Garowe 2 iyo Galkacyo Accord. Xanta sida hoose la isgu sheego ayaa dhiiri-gelin looga dhigaa “waxaan ka shaqeyneynaa dantiina waxaa la dulmiyey caasimadda” sidaas darteed waa khalad in dadka reer Muqdisho ka horyimaadaan dastuurka dib loo qoray.

Laakiin, wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaaliga ah Axmed Macalin Fiqi ayaa si aan leex-lexad lahayn banaanka u keenay xanta ay siyaasiyiinta qaarkood awrka ku kacsadaan waxaana uu yiri.

“…Dastuurkan haddii wax ka khaldameen waxa uu khaldamey xilligii Sheekh Shariif Shekh Axmed, annigu raggii la soo shaqeeyey ayaan ahay, in la saxo waa inaanu hor istaagin. Farmaajo ayaa warqad soo saarey waa ka soo daba saarey, Farmaajo ayaa maalin dhaweyd hadley, Sheekh Shariif waa ka daba hadley, Farmaajo ayaa Garoowe aadey waa ka taba tegay dee waxaasi sax maaha wax noo qalmana maaha!! ninkaas odayga ah (Shariifka) wax aan ka fileyney maaha dadkaan Muqdisho aamusnaantooda ayaa wax badan lagu duudsiiyey ilamaa iyo goorma ayaa la aamusanaanayaa, GOORMA AYAAN MADAXDEENA CESHAN DOONAA OO DHIHI DOONAA WAR JOOG WAAA LAGAA SAXSAN YAHAY!!…” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Dhanka kale waxa uu ku eedeeyey Madaxweyniii hore ee Soomaaliya Shariif Shekh Axmed in uu Madaxweyne Xasan ku eedeeyey in uu qabiil ka shaqeynaayo. Waxaa marag ma doonto ah in shirar aan kala joogsi lahayn oo ay soo abaabuleysey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo maamulka gobolka Banaadir si weyn loogu gafey Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdllaahi Farmaajo kadib markii uu dalka dib ugu soo laabtey, waxaa laga sheegtey Muqdisho looguna baaqey in uu isaga baxo. Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in wixii Muqdisho ka socdey ee qabiilka la shirinaayo isla markana eedaymaha u jeedinaayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aysan ahayn wax fiican taas oo uu farta ku fiiqey in ay ahayd mid abaabulan oo dowladdu ka dabeyso.

Inkasta oo hore loogu bartey Wasiir Fiqi in uu aad uga shaqeeyo arrimaha qabyaalada iyo kala qaybinta ayaa la is weydiinayaa sida Wasaaradda uu wasiirka ka yahay u egtahay mar haddii uu banaanka la taagan yahay kala qaybinta bulshada.

Horseed Media