Wasiirka Caddaaladda Jeff Sessions oo iska casiley baaritaanka xiriirka Trump iyo Ruushka – VIDEO

Published: March 3, 2017

Wasiirka Caddaaladda ee dalka Maraykanka Gen. Jeff Sessions ayaa iska casiley hoggaaminta baaritaanka xiriirka ololihii doorashada ee Donalad Trump iyo Ruushka oo la aaminsan yahay in Ruushku ay farogeliyeen doorashada una dhaceen Kunbuyiitarada Xisbiga Dimoqraadiga.

Jeff Sessions ayaa kulan la qatey Safiirka Ruushka ee Maraykanka Ambsador Sergej Kisljak mudadii ay socotey ololaha doorashada ee sanadkii 2016, taas oo uu ka qariyey Xildhibaanada Aqalka Senate-ka ee ansixinaayey kadib markii si toos ah loo weydiiyey in uu wax kulan ah la yeeshey cid ka socota Ruushka.

Siyaasiyiinta Xisbiga Dimoqraadiga ayaa ka dalabdey Jeff Sessions in uu iska casilo xilka Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka/Wasiirka caddaaladda ee ay hoostagto hay’adda FBI ee baaritaanka wada.

Saaxibadiisa xisbiga Jamhuuriga ayaa ka dalbadey in uu iska casilo hoggaaminta baaritaanka xiriirka Ruushka iyo Trump, sidoo kale waxay ka dalbadeen in uu naftiisa difaaco eedaha loo jeedinaayo.

Baaritaanka ay waddo hay’adda FBI ayaa noqdey mid aan lagu kalsoonaan karin kadib markii uu noqdey ninka hoggaaminaaya mid kamid ah kuwa baaritaanku lugaha la geli karo.

Jeff Sessions ayaa sheegay maalintii shalay in ay ahayd in uu ka hadlo kulankaas markii Saaxiibadiisi Senate-ku ay waraysiga la yeelanayeen. Mr. Sessions ayaa ka tirsanaa Komishanka Ciidanka iyo Hubka ee Aqalka Senate-ka kuwaas oo kulamo la qaata mararka qaarkod safiirada caalamka. Jeff Sessions ayaa sheegay kulanka uu la qaatey safiirka Ruushka ay ka wada haldeen arrimaha dalka Yukreyn iyo argagaixisada uuna ka dhacay xafiiskiisa.

Wargeyska Washington Post ayaa kashifey maalintii Arbacada kulanka Jeff Sessions iyo safiirka Ruushka ee Sergej Kisljak.

Maalintii Khamiista ayaa Donalad Trump ka hadley warka cusub ee ku soobaxay ninka uu u magacaabey xeer ilaaliyaha guud waxaana uu sheegay in Jeff Sessions aanu sameyn wax khalad ah laakiin ay ahayd in uu wax kala caddeeyo, waxaana uu hootsa ka xariiqey in uu si weyn ugu kalsoon yahay.

Arrin tan lamid ah ayaa horey u galaafatey Gen. Michael Flynn oo Trump u magacaabey La taliyaha Amniga Qaranka, waxaana lagu heley fadeexad ah in uu la hadley siyaasiyiin ka tirsan Ruushka oo ay ka wada hadleen arrimaha cunno qabateynta xilli aan Trump xilka la waregin.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *