Wasiirka Dastuurka iyo Caddaaladda Xukuumedda federaalka oo fadhigii baarlamaanka laga saarey?

Published: August 5, 2023
xasan macalin maxamuud

Wasiirka Dastuurka iyo Caddaaladda Xukuumadda Jamhuuriyadda federaaliga ah Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta laga saarey fadhigii golaha Shacabka oo horey looga yeeray.

Buuq iyo sawaxan ayaa ka dhashey markii Guddoomiye Aadan Madoobe ku dhawaaqey in wasiirku uu ka baxo fadhiga oo mar kale loo yeeri doono, waxaana buuqa ridey xildhibaano ku hayb ah.

Arrintan waxay ka dambeysay, markii maanta markii labaad la baajiyay akhrinta Hindise Sharciyeedka Kaalmo sharciyeedka Federaalka, oo maalintii koowaad loo baajiyay markii la taliye ka tirsan Wasaaradda uu isku dayay Golaha inuu ka akhriyo, taas oo caro weyn dhalisay, fadhigii maanta waxaa xigtay in muddo saacad ka badan uu Wasiirka ka soo daaho xilliga ballanta ee Golaha uu ka hor akhrin lahaa hindisahan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe oo ku wargeliyay Wasiirka oo wakhti dambe yimid inuu fasaxan yahay ayaa u sheegay Xildhibaannada inay go’aan ka gaari doonaan.

Horseed Media