Wasiirka difaaca oo faahfaahiyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay ku biirto ciidanka heeganka bariga Afrika

Published: July 29, 2023

Wasiirka Gaashandhigga XFS, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac, oo Xildhibaannada Golaha Shacabka u akhriyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay ku biirto ciidanka heeganka Bariga Afrika, isagoo ka codsaday in ay meel mariyaan heshiishkan.

Mudane, Jaamac ayaa fulinta heshiiskan ka mid noqoshada ciidanka heeganka bariga Afrika iyo baahiyaha loo qabo ku tilmaamay mid daruuri ah maaddaama uu isbeddelka ku yimid hannaanka difaaca caalamka, sidaa awgeedna loo baahan yahay iskaashi, ka dib markii ay kordheen qataraha waaweyn ee dhanka amniga Adduunka, Afrika, kan gobolka iyo amniga Qaranka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ee XFS ayaa horay u ansixiyay heshiiska ku biirista ciidanka difaa bariga Afrika 26/1/2013, wuxuuna aqalka hoose ee baarlamaanka ka codsaday in ay meel marinaan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskani uu fududayn doono kaalmooyinka xagga difaaca ah ee looga baahdo waddamada gobolka, la dagaallanka argagixisada iyo fududeynta suuqa dhaqaale bariga Afrika ee ay haatan ku dedaalka ugu jirto in ay ku biirto Dowladda Soomaaliya.

Ciidanka heeganka bariga Afrika EASF waxaa ku mideysan toban dal oo kala ah Burundi, Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Seychelles, Soomaaliya, Sudan iyo Uganda