Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo sheegay in la xoojinayo howlgalka ka dhanka ah Shabaab

Published: April 21, 2024

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo kulan kula qaatay magaalada Muqdisho, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UNSOS Ms. Aisa Kirabo Kacyira ayaa uga warbixiyay horumarka baaxadda leh ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen, difaaca iyo dib u xoreynta dalka, iyaga oo garab ka helaya taageerayaasha caalamiga ah.

Wasiirka oo ka mahadceliyay taageerada QM ee Soomaaliya ayaa sharaxay dadaallada socda ee lagu kobcinayo awoodda Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan maareynta saadka iyo tallaabooyinka howlgalada culus ee lagu cirbtirayo kooxaha argagixisada ah ee caqabadda ku ah xasilloonida dalka, tan Gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojin doonto howlgalada ka dhanka ah Alshabaab, sidaa daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in la kordhiyo taageerada saadka ee loo baahan yahay taas oo gacan weyn ka gesan doonta in waqti fudud Soomaaliya lagaga ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah.