Wasiirka cusub ee Diinta & Awqaafta XFS Sheekh Mukhtaar Roobow oo xilka la wareegay 

Published: August 10, 2022
Shares404

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Sheekh Cumar Cali Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boggaadiyey Wasiirkii Hore, wakhtiga uu ku bixiyey u khidmeynta dalkiisa iyo diintiisa iyo sida uu diyaarka ugu yahay in uu shaqadan ku garab istaago Wasiirka xilka kala wareegay,

Sidoo kale waxa uu tilmaamay muhiimadda ay wasaaraddani u leedahay toosinta dowladnimada iyo ilaalinta diinta iyo dhaqanka suubban ee dadka Soomaaliyeed.

Sheekh Mukhtaar Abuu Mansuur oo muddo saddex sanno ka badan xabsi guri ugu jiray dowladdii hore ayaa dhowaan kamid noqday golaha cusub ee wasiiradda Ra’isul Wasaare Xamse Barre.

Dhanka kale Wasiirada cusub ee wasaaradaha Amniga, Caafimaadka iyo Macdanta & Batroolka XFS ayaa maanta xilalka kala wareegay Wasiiradii hore.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *