Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Oo Soo Dhoweeyey Hogaanka Cusub Ee CXDS

Published: June 19, 2023
Shares2
(Midig) Taliyaha Ciidamada Lugta, (Dhexda) Wasiirka Gaadhaandhiga (Bidix) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa soo dhoweeyey magacaabista taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka Gen. Ibraahim Shiikh iyo taliyaha ciidamada lugta, Gen. Axmed Aadan Cali, oo ay maanta ansixiyeen golaha wasiirada dowladda Federaalka.

Jananadan ayaa bedelaya Gen. Odowaa Yuusuf Raage oo ahaa taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo Gen. Maxamed Tahliil Biixi oo ahaa taliyaha ciidamada lugta.

Hoos ka akhriso:

Waxaan u mahadcelinaayaa Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xeeriyay magacaabista Taliyaha CXD oo loo magacaabay S/Guuto Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka oo isna loo magacaabay S/Guuto Axmed Aadan Cali.

Sidoo kale waxaan u mahadcelinaayaa Golaha Wasiirada JFS oo meelmariyay soojeedinti aan u sameeyay.

Ugu danbeyn, waxaan mahadcelin ballaaran u dirayaa walaaladey S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage iyo S/Guuto Maxamed Tahliil Biixi oo iyaguna waqti adag u soo khidmeeyay qaranka soomaaliyeed.

Horseed Media