Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Adan Bare Ducaalle oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Published: December 29, 2022

Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Kenya Adan Bare Ducaalle ayaa maanta soo gaaray Caasimadda Soomaaliya Muqdisho, waxaana Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Waasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Ujeedka Safarka Wasiir Difaaca Kentya Aadan Barre Ducaale ee Muqdisho ayaa daaran ka qeyb galka xafladda furitaanka Akademiyad Goboleedka Af- Soomaaliga ee (AGA) taas oo ay ka socoto qaban qaabadeeda Caasimadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ah xarigga uga jaraya Xarunta dhexe ee Akadeemiyad Goboleedka Af- Soomaaliga ee (AGA).

Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Kenya Adan Bare Ducaalle ayaa sidoo kale booqasho ku tegay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland.

Horseed Media