Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Oo Gaaray Qatar

Published: March 30, 2021

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay safiirka Soomaaliya u fadhiya Qatar danjire Cabdirisaaq Faarax Taano.

Danjire Taano oo uu wehliyo u qeybsanaha arrimaha ciidanka ee safaaradda General Maxbuub Xasan Cabaade ayaa Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda xil-gaarsiinta kula qaatay Garoonka, iyagoona ka wada hadlay arrimo ku aadan xiriirka labada dal.

Wasiir Xasan Xuseen ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya dadaal xoogan galisay dib-u-dhiska ciidanka, Qatarna ka mid tahay dalalka mashaariicda horumarineed iyo kuwa amni ee ka fuliya Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya, Ddanjire Cabdirsaaq Taano ayaa dhiciisa uga warbixiyey wasiirka xaaladda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qatar.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *