Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Oo La Kulmay Dhigiisa Boqortooyada Sacuudiga

Published: June 8, 2023

Wasiirka Gaashaan dhigga xauumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Sacuudiga Amiir Khalid bin Salmaan Bin Salmaan Cabdulcasiis  xilli uu booqasho rasmi ah u ku joogo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay xiriirka labada dal ee walaalaha ah,sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga,isku xirka dhinacyada difaaca,ciidamada iyo arrimo kale oo quseeya labada dal.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Cabaas Amiin Cali,La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Amniga Kamaal Guutaale,La-taliyaha Wasiirka Gaashaandhigga Dr Cabdullaah Cabdiraxmaan Maxamuud iyo u qeybsanaha Ciidanka Milatariga Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga Sarreeye Guuto Bille Ibraahim Adam, iyadoo dhanka Sacuudiga uu goobjoog ka ahaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Fayyad bin Hamed Al-Ruwaili, Kaaliyaha Wasiirka Difaaca Injineer Talal bin Abdullah Al-Otaibi, iyo Kaaliyaha Wasiirka Difaaca ee Arrimaha Fulinta Dr Khaled bin Xuseen Al-Bayari.

Horseed Media