Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Danjiraha shiinaha ee soomaaliya oo yeeshay kulan muhiim ah

Published: March 29, 2024

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur iyo Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya mudane FEI Shengchao ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshey kulan looga hadalay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha,gaar ahaan amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Wasiirka ayaa ka mahadceliy garab istaagga iyo taageerada dowladda iyo shacabka Shiinaha ee Soomaaliya, isaga oo xusay xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya mudane FEI Shengchao ayaa sheegay in Soomaaliya ay dalkiisa ay u tahay saaxiib soo jireen ah, isaga oo ku amaanay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalada ay ugu jiraan xasilinta iyo xaqiijinta hannaanka dowladnimo.