Wasiirka Gargaarka Soomaaliya Oo Gaaray Baydhabo

Published: April 21, 2021

Wafdi ay hogaaminayso wasiirka gargaarka iyo masiibooyinka dowlada federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Safarka wafdigan ayaa ujeedkiisu yahay sidii dowlada Koonfur Galbeed ugu wareejin lahaayeen deeq gargaar ah oo loogu tala-galay in la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen abaaraha.

Deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay laga soo sheegayey xaalad adag oo saamaysay qoysaska danyarta ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *