Wasiirka Kaluumaysiga Puntland oo la kulmay Madaxa Hay’adda FAO ee Soomaaliya

Published: May 8, 2024

Wasiirka Wasaaradda Kallumeysiga iyo kheyraadka Badda Puntland Dr. Cabdirisaaq Cabdullahi Xagaa ayaa qaabilay wafdi ka socda hay’adda cunadda aduunka FAO oo uu hogaaminayo Mr Ethiane oo ah madaxa hay’adda FAO Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu kala hadley wafdiga qorsheyaasha mudnaanta u leh wasaaradda iyo sidii lagu dhiiri-gelin lahaa ka ganacsiga kaluunka iyo kordhinta wax-soo saarka khayraadka badda.

Wasiirka wuxuu si qoto dheer uga hadley sidii loo dhisi laha kaabayasha khayraadka badda Puntland iyo sidii lagu heli lahaa suuqyo loo iib geeyo kaluunka.

Kullanka Wasiirka waxaa ku waheliyey Wasiir-kuxigeenka Maxamuud Cali Gabax, Wasiir-dowlaha Saciid Maxamed Raage iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Eng. Sharmaarke Yaasiin.

Horseed Media