Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya oo shir uga qaybgalay dalka faransiiska

Published: March 14, 2024
Shares18

Magaalada Paris ee dalka faransiiska waxaa lagu saxiixay Heshiis Dowladda Soomaaliya looga cafiyay lacag dhan 1.2 Bilyan oo ay la haayeen dalalka ku bahoobay Nadiga Paris Club, taas oo daba socotey barnaamijka deyn cafinta ee dalka.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Paris ayaa waxa uu shir wada-xaaajood ah la qaatay matalayaadha Dalalka xubnaha ka ah Naadiga Paris.

Shirkaan oo daba socdey go’aankii ay hore u gaareen sandKii 2020-ka kaas oo ay ku dhawaaqeen in ay Soomaaliya ka cafiyeen deymihii lagu lahaa, taas maanta ay dhacday in si rasmi ah loo saxiixo heshiiska lagu tirirayay lacagaas lagu lahaa Soomaaliya.

Marka uu soo baxay Go’aanka Naadiga Paris, wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin kooban ka bixiyay natiijada ka dhalatay shirka Paris. Wasiir Biixi ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay ku qanciyeen dalalka Paris Club in Soomaaliya ay u sameeyaan dayn cafis dhameystiran sida maantaba dhacday.

Xubnaha Naadiga Paris ee maanta shirka joogay waxa ay ka koobnaayeen toban ka mid ah kuwa Soomaaliya ku lahaa deymaha culus, ku waas oo maanta saxiixay kuna dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deymihii ku harsanaa.

HORSEEDMEDIA