Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir uga qaybgalaya Washington

Published: April 16, 2024

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka uga qeyb galaya shirka xiliga gu’ga oo ay marti galinayaan Hay’adda IMF iyo Bangiga Aduunka.

Shirkaan lix biloodlaha ah ayaa socon doono mudo hal todobaad ah, kasoo looga hadli doono arrimaha mudnaanta u leh deyn cafinta denyta, hanaanka Maaliyadda iyo dib u eegista dhaqaalaha Aduunka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige iyo wafdigiisa ayaa furitaanka shirka ka hor kulan gaar ah waxay la qaateen Agaasimaha Hey’adda Lacagta IMF u qaabilsan dalal ay ka mid tahay Soomaaliya Dr. Mahmoud Mohieldin.

Kulanka dhexmaray wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan iyo Agaasime Dr. Mahmoud Mohieldin ayaa labada dhinac waxay ku gorfeyeen dib u habeynta Maaliyadda dalka iyo helitaanka maalgashi xiliga deyn cafinta kadib.

HORSEED MEDIA