Wasiirka Qorshaynta Puntland Oo Hortagey Golaha Wakiilada

Published: December 6, 2020

Golaha wakiilada Puntland oo maanta yeeshay fadhiga 21-aad ee Kalfadhiga 47-aad ayaa waxaa shir-guddoomiyey guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan labadiisa kuxigeen.

Fadhiga oo Ajandihiisu ahaa La Xisaabtanka Golaha Xukumadda ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Iskaashiga caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Wasiirka oo uu wehliyo wasiiru dowlaha wasaaradda qorshaynta Cabdiraxmaan Caydiid ayaa ka warbixiyey shaqooyinka wasaaradda, qorshayaasha u degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba mashaariicda ka socota guud ahaan gobollada Puntland.

Intaa ka dib, xildhibaannada ayaa su’aalo ka weydiiyay arrimaha ay ka hadleen sida uu qabo dastuurka Puntland qodobkiisa 64-aad farqadiisa 17-aad iyo xeer-hoosaadka golaha wakiillada qodobka 3-aad farqadiisa 17-aad.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *