Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in 20 ka mid ahaa Shabaab lagu dilay Shabeellada hoose

Published: June 7, 2023

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee JFS, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibbada Caalamka ay dileen 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab xilli ay isku abaabulayeen duleedka deegaanka Baladdul Amiin ee Gobalka Shabeellada hoose.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay xarunta Wasaaradda Warfaafinta si wada jir ah ugu qabteen Ergeyga midowga Afrika ee Soomaaliya, Mohamed El-Amine Souef, isagoo intaa ku daray in ay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah khawaarijta.

Howlgalkan lagu beegsaday maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa dhacay xilli ay kooxdu si qarsoodi ah isugu aruursanayeen beer ku taalla duleedka deegaanka Baladudul Amiin ee gobolka Shabeellada hoose.