Wasiirka Warfaafinta XFS oo Muqdisho ka furay shirweynaha ansaxinta Istiraatiijiyada Qaranka ee isku-xirka xiriirka warbaahinta

Published: August 20, 2023

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane, Daa’uud Aways Jaamac ayaa Muqdisho ku daah-furay shirka ansaxinta Istiraatiijiyadda Qaranka ee isku-xirka xiriirka warbaahinta ee hay’adaha dowladda, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Munaasabadda furitaanka shirka ansixinta waxaa ka soo qeyb-galay wasiirrada Warfaafinta dowlad gobolleedyada, agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale, agaasinka guud ee gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah ururada warbaahinta iyo kuwa bulshada.