Xasan Ibraahim Lugbuur oo ahaa Wasiir ka tirsan Koonfur Galbeed oo Qarax lagu dilay

Published: July 29, 2022
Xasan Ibraahim Lugbuur

Wasiir kii waasaaradda caddaaladda Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo wiil uu dhalay ayaa qarax ismiidaamin ah lagu diley maanta oo Jimce ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu beegsaday Wasiirka iyo dadkale. Ugu yaraan 11 qof oo kale ayaa qaraxa ku dhaawacmey

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa sheegay in qaraxan ay ka danbeeyeen kooxda al-Shabaab.

Weerarkan ayaa imaanaya maalmo yar kadib oo qarax kan oo kale ah ka dhacay magaalada Marka kaas oo lagu diley guddomiyihii gobolka Shabeelada Hoose Cabdullaahi Waafow.

Ururka al-Shabaab ayaa kor u qaadey weerarada ay fulinayaan gaar ahaan Koonfur Galbeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *