Weerar mindi loo adeegsadey oo ka dhacay dalka Sweden

Published: March 4, 2021

Weerar lagu tuhunsan yahay in uu yahay fal argagixisnimo ayaa ka dhacay magaalada Vetlanda ee Koonfurta dalka Sweden. Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhaawacmey weerarkan, kaas oo uu geystey nin ku hubeysnaa toorey.

Laamaha Amniga ee dalka Sweden ayaa baaritaan ku haya dhacdadan, waxaana ay sheegeen in weerarkan lagu tuhunsan yahay in uu yahay mid ragagixisnimo.

Booliska ayaa dhaawacey ninka weerarka soo qaadey waxaana hadda lagu daaweynayaa isbitaalka, lama sheegin halka uu ka soo jeedo, magiciisa iyo ujeedadas ku xanbaartey weerarkan.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxa magaalada Jönköping ayaa shegaya in saddex ka mid ah siddeedii qof ee ku dhawaacmay toorayda ey ku jiraan xaalad halisah.

Wasiirka arrimmaha gudaha ee dalka Sweden, Mikael Damberg oo wareeysi ka bixiyay falkan ayaa ka tacsiyeeyay weerarka ka dhacay Vetlanda. Isagoona sheegay in loo baahan yahay in laga warsugo baaritaanka booliisku arrinkan ka wado iyo natiijada ka soo baxda.

Illaa iyo hadda ayaa la ogsoon yahay in ninka falkan geeystay uu deganaa ama ka soo jeedo nawaaxiga Höglandet ee gobolka Småland, Booliska ayaa ninkan horey u garanaayey, laakiin waxa uu geystey ay ahaayeen denbiyo fudud.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *