Wejigii labaad ee heshiiska doorashooyinka oo Muqdisho ka furmaya

Published: September 29, 2020

Waxaa lagu wadaa in uu bilowda wejiga labaad ee dhamaystirka heshiiska Doorashooyinka, kadib markii baarlamaanku ansixiyeen heshiiska oo ka dhigeen sharci kumeel-gaar ah.

Waxaa lagu wadaa in maanta uu Muqdisho yimaado Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo isagu ka maqnaa maalmahan, sidoo kale waxaa Muqdisho weli ku sugan Madaxweynayaasha kale ee Dowlad goboleedyada.

Shirka Dhamaystirka heshiiska doorashooyinka ayaa diirada lagu saari doonaa.

  • Dhismaha guddiga doorashooyinka
  • Qeexidda qaybo kamid ah 15 qodob ee heshiiska
  • Sida laga yeelayo muranada iyo khilaafaadka kuraasta.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu dhawaan gaari doono magaalada Nairobi safarkaas oo qaadan doono wakhti kooban, lama oga in shirka dhamaystirku bilaaban doono ka hor safarkiisa iyo in diib loo dhigi doono.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *