Xaalada Caafimaad ee Boris Johnson oo Laga Dayrinayo

Published: April 6, 2020

Ra’isul Wasaaraha Uk Boris Johnson oo xalay la dhigay cusbitaalka London ayaa xaaladiisa caafimaad laga deyrinayaa iyadoo loo wareejiyay qaybta xaalada degdeg ah.

Ra’isul wasaaraha oo 27 March laga helay cudurka Coronavirus, kuna sugnaa Xaalad uu iskarantiilay ayaa xafiiskiisa Downing streat waxay sheegeen inay Xaaladiisu ay ka dartay

” Xaalada caafimaad ee ra’isul wasaaruhu waa sii xumaatay, iyadoo la raacayo talada dhakhaatiirta waxaa loo wareejiyay qaybta xaalada degdeg ah ee cusbitaalka”sidaas waxaa lagu yiri warsaxafadeed ka soo baxay xafiiska ra’isul wasaaraha

Saraakiishu waxay sheegeen in Ra’isul wasaaruhu uu dareemayo qandho heer kulkeedu sareeyo iyo neefsiga oo dhibaya.

Shaqada Ra’isul wasaaraha waxaa sii wada Wasiirka arrimaha dibada ee Uk Dominic Raab

Raisul wasaaraha Uk oo 55 jir ayaa noqonaya hoggaamiyaha ugu magac dheer caalamka ee uu ku dhacay cudurka Coronavirus. Cudurka waxaa ka bogsaday dhaxal sugaha uk Charles iyo wasiirka Caafimaadka UK Matt Hancock oo labadaba laga helay coronavirus.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *