Xaaladahii Ugu Dambeeyey Covid-19 Ee Soomaaliya

Published: March 13, 2021

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa diiwaangelisay 126 kiis oo cusub oo ah COVID19 48kii saacadood ee lasoo dhaafay, taasoo wadarta guud ka dhigaysa 8,946 kiis.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya, Dr. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay kiisaska cusub inay kala joogaan Muqdisho 47 qof, Somaliland 65 qof, Hirshabeelle 8 qof, Jubaland 4 qof iyo Galmudug 2 qof.

Dhanka kale Dr. Fowsiya ayaa sheegtay inay fayraska ka bogsoodeen 29 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 4,108.

Bukaannada cusub 82 waa rag. 44-na waa dumar, Waxaana 48-kii saac ee ugu dambeeyay Soomaaliya ugu geeriyooday Cudurka COVID-19, 11 qof, sagaal kamid ah joogaan Muqdisho, halka labada kale kala joogaan Hirshabelle iyo Koonfur galbeed.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *