Xabad-joojinta dagaalka Gaza oo dhaqan-gashay

Published: November 24, 2023
Shares30

Waxaa saaka oo Jimce ah 7dii subaxnimo dhaqan-gashay xabad-joojinta dagaalka Gaza oo socon doonta muddo 4 maalmood ah.

Xaalada Marinka Gaza ayaa degen, waxaana la furay xaduuda Rafax halkaasi oo ay ka gudbeen gaadiidka gargaarka iyo shidaalka sida.

Sida qorshaha yahay 4ta maalmood oo ay socon doonto hakinta dagaalka ayaa waxaa maalin walba Gaza gaari doona 200 gaadiidka gargaarka ah.

Galabta 4ta ayaa la filayaa in lasii daayo 13 kamid ah shacabka (Caruur & Haween) oo ay Xamaas qafaalatay 7dii Oktoober.

Dhinaca Israel ayaa laga sugayaa inay siidaayaan 150 ah caruurta iyo haweenka Falastiiniyiinta xabsiyada ugu jira.

Xamaas ayaa sheegtay inay sii wada deyn doonaan maxaabiista ay hayaan oo ay ku jiraan Askarta Israel, hadii Israel ay sii wada deyso maxaabiista Falastiiniyiinta.

Kumanaanka kun ee shacabka Gaza ee u qaxay koonfurta ayaa maanta bilaabay inay booqdaan guryahooda burburay. Waxaa jira meydad badan oo weli ku hoos jira guryaha burburay.

Horseed Media