Xabad-joojintii Gaza oo lagu daray laba maalin

Published: November 28, 2023

Qatar ayaa ku guuleysatay in labo maalin oo dheeraad ah lagu daro xabad-joojintii 4ta maalin ahayd oo ku ekayd Isniintii.

Maanta oo Salaasa ah ayaa lagu wadaa in lasii daayo maxaabiis dheeraad ah sida ay ku heshiiyeen Xamaas iyo Israel.

Xalay ayaa lasii daayey 11 caruur iyo haween u dhashay Israel iyo 33 dhalinyaro reer Falastiin ah.

Maanta ayaa la filayaa in Xamaas siideyso 10 maxbuus oo dheeraad ah, halka Israel laga filayo inay soo deyso 50 Falastiiniyiin ah.

Dhinaca kale Israel ayaa sare u qaaday duulaanka ay ku heyso Daanta Galbeed ee Falastiin iyadoo ka faa’iideysaneysa xabad-joojinta Gaza.

Ugu yaraan 2 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa xalay lagu dilay Daanta Galbeed. Tiradda deegaankaasi lagu dilay tan iyo 7dii Oktoober ayaa gaareysa 240 Falastiiniyiin ah.

Israel ayaa sidoo kale sii wada raafida Falastiiniyiinta Gaza iyadoo tan iyo 7dii Oktoober xabsiga dhigtay 3000 qof. Dadkaasi oo aan kamid ahayn kuwa ay xabsiyada kasoo deysay.

In ka badan 6000 oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan kumanaan caruur ah ayaa weli ku jira xabsiyada Israel oo ay kala kulmaan tacadiyo badan.

Horseed Media