Xabbad-joojin laga gaaray dagaal beeleed ka dhacay Galmudug

Published: August 31, 2022

27-kii bishaan ayaa deegaano hoostaga Degmoyinka Cadaado iyo Cabuud-waaq waxaa ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhawac, kaas oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed.

Ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa ku baxay waxaana shalay kulan ka dhacay Deegaanadii ay dagaalladu ka dhaceen lagu qabtay kulan u dhaxeeyay dhinacyadii dagaalamay.

Wasiirka Arimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac oo ka mid ahaa dadkii nabadeynta u baxay ka waramay dadaallada Nabadeed ee socda ayaa sheegay in laga soo saaray go’anno.

Sida uu sheegay Wasiirka Go’aannada laga soo saaray dagaalka ayaa waxaa kamid ah Xabad-joojin, inaan mar dambe berkado la sameyn kari, In hubka ay mamnuuc ka yihiin goobaha lagu dagaallamay, in ciidamada labada maleeshiyo laga fogeeyo aagga uu dagaalka ka dhacay laguna kala celiyo meelihii ay ka kala yimaadeen.

Wasiirka Arimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac ayaa ugu dambeyn shaaciyey in Galmudug ay qabaneyso dib-u-heshiisin u dhaxeysa labada beelood kaas oo bisha 9aad tobonkeeda lagu qaban doono caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *