Xafiiska Hantidhowrka Oo Sheegay In Khasnadda Dowlada Ka Maqan Tahay $21 Milyan

Published: June 21, 2023

Xafiiska Hantidhowrka guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin kasoo saaray baaris ay ku sameeyeen hay’addaha dowlada.

Warbixinta baarista ee xafiiska hantidhowrku soo bandhigay ayaa muujisay in khasnada dowladda Federaalka Soomaaliya ka maqan tahay dakhliga gaaraya 21 Milyan oo doollar, intii u dhexeysay (08-March-2018 ilaa 19-April-2023).

Lacagtan ayuu xafiiska hantidhowrku sheegay inay ku maqan tahay mas’uuliyadda iyo maamulka xafiisyada bixiya adeegyada kordhinta fiisaha iyo ruqsada shaqada oo kala raacsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo hay’adda socdaalka iyo sidoo kale hay’addo kale.

Xafiiska hantidhowrku warbixintan baarista ku wareejiyey xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media