Xafiiska Qaramada Midoobey oo soo dhaweeyey baaqii Farmaajo

Published: January 31, 2021

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey baaqii ka soo baxay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ee ku aadanaa in shir wadatashi la isugu yimaado magaalada Dhuusamareeb.

Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqey hoggaamiyaasha Soomaaliyda in ay gaaraan heshiis degdeg ah oo la isu tanaasulo si loo fuliyo heshiiskii 17 Sept 2020 ee nooca doorasho.

Maalinta berri ah ee kowda feberaayo ayaa Madaxweyne Farmaajo ku baaqey in shirku furmo, waxaa socda diyaar garowgii ugu danbeeyey ee shirkaas la isu qaban qaabinaayo, waxaana dadka Soomaaliyeed wada eegayaan waxa ka soo abxaya shirkaas.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *