Xamaas oo daldashay rag lagu tuhmay iney la shaqeynayeen Israa’iil

Published: September 4, 2022

Labo nin oo Falastiini ah, oo lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen Israa’iil, ayaa lagu toogtay Marinka Gaza, sida ay sheegtay maamulka wasaaradda arrimaha gudaha ee Xamaas ay maamusho.

Bayaanka laguma cadeyn raggan la laayey, waxaase lagu sheegay magacyadooda koowaad iyo da’dooda, halka bayaanku uu tilmaamay inay dusiyeen xog horseeday in la laayo dad Falastiiniyiin ah.

Saddex kale, ayaa sidoo kale lagu fuliyay xukun dil ah, iyadoo iyana lagu eedeeyay dil.

Hey’adaha Xuquuqul Insaanka, ayaa horey u cambaareeyay xukunada noocaan ah oo ay fulinayaan Xamaas, kuwaasoo ah kooxda xagjirka ah ee Maamusha Gaza.

Tan iyo sanadkii 2007-dii, oo aheyd markii ay la wareegeen gacanta ku haynta Gaza, maamulka Xamaas, ayaa fuliyay ugu yaraan 27 xukun dil ah, oo uu ugu dambeeyay bishii Abriil sanadkii 2017-dii.

Labada nin ee lagu eedeeyay iney u basaasayeen Israa’iil, ayaa la xiray sannadihii 2009-kii iyo 2015-tii, waxaana “maxkamad ku xukuntay qiyaano qaran, iyo inay la shaqeeyeen shisheeye” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Afar ayaa la daldalay, midna waxaa lagu fuliyay dil toogasho ah, sababtoo ah waxa uu ahaa booliis, ayaa la raaciyey warkii lasoo saarey.

Israa’iil ayaa waxay qabsatay Marinka Gaza intii lagu jiray dagaalkii Bariga Dhexe ee sanadkii 1967-dii. Sannadkii 2005-tii, ayaa waxay kala baxday Israa’iil ciidamadeedii Marinka Gaza, iyo illaa 7,000 oo qof oo la dajiyey goobtani.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *