Xamaas oo sheegtay inay askar badan ka dishay Israel

Published: April 6, 2024

Garabka Militari ee Xamaas ee Qasaam ayaa sheegay inay dileen ugu yaraan 14 askari oo Israa’iiliyiin ah iska horimaad socday dhowr saacadoodkii ee la soo dhaafay.

Kooxda ayaa sheegtay in sagaal askari oo Israa’iiliyiin ah lagu dilay degmada az-Zanna ee bariga Khan Younis, oo u dhaw soohdinta magaalada ay la wadaagto Israa’iil.

Weerar kale oo ay Xamaas sheegatay oo ka dhacay xaafadda Amal, oo loo adeegsaday gantaalada lidka taangiyada, ayaa lagu garaacay saddex taangi oo ay leeyihiin ciidamada Israa’iil ee Merkava, waxaana ku dhintay shan askari oo Israa’iili ah.

Saddex diyaaradood oo Helicopter ah oo ay leeyihiin Israa’iil ayaa halkaas looga daad gureeyey askarta ku dhaawacantay weerarka.

Horseed Media