Xamaas oo sheegtay inay diyaar u tahay dagaal-daba-dheeraada!

Published: November 17, 2023

Hogaamiyaha Garabka Siyaasadda ee Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay inay isu diyaariyeen dagaal daba dheeraada oo ay la galaan Israel.

Wuxuu sheegay in Israel aysan gaarin wax guul militari ah, marka laga reebo duqeyta goobaha shacabka.

Duqeynta Israel ayaa la sheegay inay burburiyeen in ka badan 48% guryaha iyo daaraha ku yaal Gaza.

Haniyeh ayaa sheegay in garabka militari ee Xamaas muddo dheer u tababusheysanyeen halgan dheer oo ay la galaan gumeysiga Israel.

Xamaas ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin dhankooda dhaqan gelinta xabad joojinta ay ku baaqeen dalalka Islaamka & Carabta.

Dhinaca kale afhayeenka Xamaas ayaa beeniyey muuqaaladii ciidamada Israel ku sheegeen in hub laga helay isbitaalka al-Shifa.

Afhayeenka ayaa soo bandhigay sawiro muujinaya kartoono ay siteen ciidamada Israel markii ay isbitaalka galayeen.

Kartoonadaasi oo ahaa kuwii ay ku jireen hubka qoryaha fudud oo ay Israel sheegtay inay ka dhex heshay isbitaalka ugu weyn Gaza.

Warbaahinta Militariga Israel ayaa ku fashilantay qaar kamid ah Sawirada iyo muuqaalka ay baahiyeen oo ay ku sheegeen hubka iyo qalabka ay ka heleen Al-Shifa.

Waxayna Baraha Bulshada shalay ka saareen qaar kamid ah Muuqaalada kadib markii ay soo baxday inay been abuur ahayd.

Horseed Media