Xamaas oo sheegtay inay Israel diiday siideynta dadka ay hayaan

Published: November 14, 2023
Shares4

Xamaas ayaa sheegay inay Israel diiday qorshe lagu sii deyn lahaa dadka u dhashay Israel oo ay gacanta ku hayaan.

Xamaas ayaa sheegtay inay codsatay 5 maalmood oo xabad-joojin ah si loo siidaayo 70 kamid ah dadka ay hayaan.

Xabad-joojintan ayey sheegtay Xamaas inay sidoo kale fursad usiin lahayd in gargaar la gaarsiiyo shacabka Gaza.

Warka kasoo baxay Xamaas ayaa lagu soo beegay xili la sheegay in haweenay u dhalatay Israel oo 19 sano jir ah ku dhimatay duqeynta Israel.

Haweenaydan oo ahayd askari reer Israel ah ayaa kamid ahayd dadkii ay Xamaas qafaalatay 7dii bishii Oktoober.

Ehelada dadka lagu heysto Gaza ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay Israel ka dhex waday banaanbaxyo looga soo horjeedo Raysalwasaarahooda Netanyahu.

Xukuumada Netanyahu ayaa la sheegay inay diidan tahay inay ku dhawaaqdo xabad-joojin ama aqbasho in maxaabiista la is dhaafsado.

Duqeynta ay Israel ka wado Gaza ayaa la sheegay inay ku dhinteen 11.200 qof oo shacab ah.

Horseed Media